Kulan ka tirsan koobka FA-CUP ayaa galabta waxaa wada yeeshay kooxaha kubada cagta Arsenal iyo kooxda kale ee Hull City.
Cayaarta ayaa waxa ay ahayd mid aad u xiiso badan waxaana kulanka soo xaadiray taageerayaal fara badan.
waxaana kulanka uu ka dhacay garoonka ay ku cayaarto kooxda Arsenal ee Emirates.
Labada kooxood ayaa ayaa koox walba waxa ay dooneysay in dhankeeda ay guusha ahaato iyadoo garsooraha cayaarta dhex dhexaadinayay uu bixiyay dhowr xabo oo kaarka digniinta ah.


