DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dagaalkii ka dhacay Sh/Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxa ay dagaal kula galeen ururka Al-shabaab deegaano  hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa geystay khasaraare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ay wajaheen deegaano ku yaalal duleedka Afgooye oo Shabaabka ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa la sheegay  inay dalbadeen gurmad badan oo ciidan ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Huwanta ee weerarka lama filaanka ah ku soo qaaday.

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo Al-shabaab ay uga saarayaan deegaanada Shabeellaha Hoose.