DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo Dagaalka ka dhacay Halgan

Hiiraan-RisaalaFM- Weerarkan ayaa waxa uu ku bilowday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Al-shabaab ay ku galeen xero ciidan oo ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku taala deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaraxaas ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Dagaalyahanada Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkan uu socday saacado badan inkastoo saraakiisha dowladda iyo kuwa Itoobiya ay markii dambe sheegeen in ay soo afjareen weerarkaas oo waliba ay ka hortageen dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday xerada ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Guhaad Cabdi Warsame oo ah Gudoomiyaha deegaanka Halgan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in weerarkaas Al-shabaab khasaare badan lagu gaarsiiyay.

Ururka Al-shabaab war kooban oo ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkan looga dilay 16 Askari halka sidoo kalena ay sheegeen in ay dileen 60 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.