Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada

Kismaayo-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa meel mariyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Baarlamaanka horgeeyay Golaha wasiirada cusub oo tiradooda ay gaarayso 17 Xubnood.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa cod gacan taag ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub, lamana soo sheegin cid ka soo horjeesatay.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka ee Jubbaland in ay ansixiyaan Wasiirada cusub.