DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo qaraxii xalay ka dhacay Bakaaraha

Qaraxan oo ahaa mid xoogan  ayaa Kooxo hubeysan xalay waxa ay ku tuureen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgooyska Bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Goob jooge la hadlay idaacada Rislaala ayaa sheegay  in Qaraxa uu ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro,

Waxuu sheegay in Ciidamada la qarxiyay ay rasaas xoogan dhinacyada u fureen, inkastoo Kooxihii weerarkaasi geystay lagu soo waramayo in ay halkaasi ka baxsadeen.

Ciidamadan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa bilbaabay howlgallo kala duwan oo ku aadan Weerarka xalay  lagu beegsaday, balse weli lama soo sheegin hadii ay jiraan dad la soo qab qabtay.