Sh/Hoose-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo shalay Khamiis aheyd ka dhacday degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeyntan ayaa la sheegay in ay ka kala dhacday degaanada Tooro-toorow iyo Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Shabaab.
Bashiir Maxamed Yuusuf Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee dagmada Baraawe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Duqeynta ka dhacday degaanka Kuunyo Barow in lagu beegsaday gaari yar oo ay wateen rag ka tirsan Shabaab, halkaasi oo uu sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay.
Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiye Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay khasaaraha rasmiga ah ilaa hada in aysan xaqiijin karin, maadaama meel duur ah ay ka dhacday, balse ay soo gudbin doonaan magacyada xubnaha Shabaab ka tirsan ee halkaasi lagu dilay.
Dhanka kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee dagmada Baraawe howlgal gudaha Badda Diyaarado ay leeyihiin Mareykanka ka fuliyeen in ay ku beegsadeen Doon oo ilaa hadda aanan la ogeyn cida rasmiga ah ee wadatay.
Ururka Al-shabaab dhankooda weli war kama aysan soo saarin warkan sheegaya in Dagaalyahano iyaga ka tirsan lagu dilay Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.


