DHAGEYSO: Faah faahin Diyaarad ku soo dhacday degmada Waaberi

Muqdisho-RisaalaFM- Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa galabnimadan ku soo dhacday Diyaarad yar oo ah nuuca aan Duuliyaha la heyn.

Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidanka amniga oo goobta Diyaarada ay ku soo dhacday gaaray ayaa sheegay in Diyaarada ay tahay nuuca wax basaasta.

Taliyaha Boliiska degmada Waaberi Xuseen Maxamed Cabdi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Diyaarada ay tahay mid yar sidoo kalena aysan geysan wax khasaare ah.

 

Waxa uu sheegay Taliyaha Boliiska degmada Waaberi Xuseen Maxamed in ay wadaan baaritaano ku aadan halka laga soo diray Diyaaradan.

Ilaa iyo hada lama oga halka ay ka timid Diyaaradan iyo sidoo kale aan la ogeyn ujeedada gaarka ah ee laga lahaa.