Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ku dhowaad dad kor udhaafaya 10 qof laga helay xadka ay wadaagaan gobolka Galgaduud iyo Itoobiya.
Deegaanka Dacdheer iyo deegaanada u dhow waxaa dhowaan ku waxaa dhowaan ku dagaalamay ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu sheegay in meydadka goobihii lagu dagaalamay laga helay, isagoo tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo si kas loo dilay hal meelna lagu wada dilay.
Waxaana uu sheegay in wali halkaasi laga yaabo in ay ku jiraan meydad kale oo halkaasi lagu dilay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in goobihii lagu dagaalamay xaaladeeda hada ay tahay mid degan oo aan ka jirin wax colaad ah.



