DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo la eedeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo Degaanka Garasbaaleey iyo degaanadda ku dhaw dhaw ay ku nool yihiin inta badan dadka ka soo Barakacay Abaaraha ku dhuftay goboladda dalka ayaa maamulka degaanka Garasbaaley waxa uu dhaliilay maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in ay ku dhaliilayaan dadka Barakacayaasha ah in aysan marna soo fiirin, oo aysan waxba u qaban.

Waxa uu si gaar ah u dhaliilay Guddoomiye C/raxmaan, Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, oo uu sheegay in weli uusan booqan Degaanka Garasbaaley, halkaasi oo uu sheegay in uu ka tirsan yahay Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in ay jeebkooda ka bixiyaan Raashiinka ay siiyaan shacabka ku dhibaateysan Degaanka Garasbaaley, balse aysan u awoodin in ay Guryo u dhisaan.

Degaanka Garasbaaley ee oo ku yaalla Duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nool dad badan oo ka soo barakacay Abaaraha ka jira Goblada dalka, kuwaasi oo halkaasi ay ku heysato macluul daran.