DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo ka hadlay xuquuqda Ciidanka Ilaalada Degaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Goblka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ska hadlay xuquuqda ay leeyihiin Ciidanka ilaalada Degaanka Xamar.

Waxa uu sheegay in ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin Ciidanka ilaalada Degaanka Xamar, isaga oo sheegay Ciidanka in aysan qaadan mushaar mudo badan, hase yeeshee uu ka warhaayo.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu bixiyo xaqa ay ku leeyihiin Ciidanka ilaalada Degaanka Xamar, si ay u sugaan amniga Caasimadda.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Goblka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu kulan la qaatay saraakiisha Ciidamadan.