Dowladda Ingriisku waxay Soomaaliya u qabatay dhowr shir, kaasi oo ka soo bilowday sanadkii 2012-kii, kan haatanna waxa uu ka dhigan yahay kii 3-aad oo lagu qabto Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, ujeedka shirarkaasi ayaa lagu sheegay in mar walba lagu soo jeediyo indhaha Caalamka, si aan loo iloobin, waayo waxaa gudaha Dalka laga sheegaa abaaro soo noq noqda, colaad ay abuuraan Kooxo nabad-diid ah iyo kuwa kale sidaasi awgeed ayaa loo qabtaa shirarkaasi, islmarkaana waxaa loo aruuriyaa kaalmo lacageed wax looga qabto arrimahaasi.
Haddaba shirkii ugu socday Magaalada London oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo dhaqaalaha iyadoo qodobo muhiim u ah Somaliya ay ka soo baxeen, Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadalay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto Masu’uuliyadda ammaankeeda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya, wuxuuna shirka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay laba jibbaarto dadaalada looga hortagayo macluusha Soomaaliya, isagoo sidoo kale cadeeyay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dhinac kasta.
Ra’iisal-wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay, iyadoo xustay in Ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.
”Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.
Ra’iisal-wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siin doonto taageero dhinacyo badan iyadoo si gaar ah u cadeysay in UK bixin doono 21 milyan oo gini, lacagtaasoo oo loogu talagalay dhismaha iyo tababarka Ciidan qaran ee uu dalku yeesho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bixisay Bad-baadinta dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu saameeyeen, wuxuuna u mahadceliyay Beesha Caalamka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, waxaa kaloo uu intaasi raaciyay in dowladdu ay dagaal kula jirto seddex Cadow oo kala ah Argagixisada, Musuqa iyo Faqriga, isagoo Caalamka ka codsaday in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta dhinaca Hubka ee saaran.
Waxaa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay Qurbo joogta ku dhaqan Cariga Ingiriiska uu u sheegay in Ciidamada iyo Kooxda Al-shabaab ay wada heystaan Qoriga AK-47, taasi ayaa ah in aan laga guuleysan karin in laga adkaado cadowga Ummadda, haddaan Soomaaliya la qaadin cunaqabateynta dhinaca hub ee saarnaa in muddo ah.
Madaxdii ka hadashay madasha shirka waxaa kaloo ka mid ahaa Moussa Faki Maxamed oo ah Madaxa Midowaga Afrika ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto dib u xoraynta Dalka, wuxuuna tilmaamay in haatan la wiiqay Awooda Al-Shabaab.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu yahay Dalkii Ugu horeeyay ee Soomaaliya u dira Ciidamo, haatana loo baahan yahay in Soomaalidu ay la timaado siyaasad ku dhisan Wadaniyad.
Uhuru Kenyatta, oo ah Madaxweynaha kenya ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Maleeshiayada Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidanka AMISOM, wuxuuna Sheegay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo taageerada ciidamada Midowga Afrika.Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 4000 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 22,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.
R/wasaaraha Wadanka Itoobitya Hailemariam Desalegn ayaa asna dhankiisa ka hadlay sida ay xiligaan Muhiimka u tahay in la sii tayeeyo lana dhiso Ciidanka Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sheegay si taasi loo gaaro inay muhiim tahay in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta Hubka ee Saaran.
Sidoo kale waxaa jira Madax badan oo kale oo Shirkaan Khudbado ka jeediyay kuwaas oo cadeeyay inay Soomaaliya xiligaan horay u socoto loona baahanyahay in la sii taageero si dadaalada dowladdu wado ay u guulaystaan.
Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo Caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo Madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah, waxaana ugu dambeyntii Soomaaliya ay beesha caalamka ugu yaboohday adduun lacageed gaaraya 600 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, waxaa kaloo xusid mudan in Soomaaliya ay deyntii lagu lahaa ay cafiyeen qaar ka mid ah Wadamada Carabta.
War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arrimaha Soomaaliya ee London, iyadoo ay si wadajir ah u shir Gudoominayeen Raiisul-wasaaraha Dowladda UK therasa May, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ee Antonio Guteres, waxaa laga soo saaray War-murtiyeed, waxaa ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi:-
!. Arrimaha bani’aadanimada, 2. xoojinta amniga qaranka, 3. xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, 4. dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo 5. qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya.
Haddaba Soomaaliya waxay gabi-dhacleeysaba waxay hadda la soo gaartay waqtigii la garab istaagi lahaa, waxayna u baahan tahay in laga kaalmeeyo dhisid Ciidan qaran oo hanan kara howlaha Amni ee Dalka iyo kaalmo dhaqaale oo lagu horumariyo adeegyada arrimaha Bulshada, waxaana la gudboon Madaxda Soomaaliyeed inay la yimaadaan hab dhaqan ka duwan kuwii lagu yiqiin Xukuumadahii Dalka soo maray.
W/Q:- C/laahi Ruush



