Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu ammaanay Ajandihii siyaasadeed ee ay la tagtay shirkii halka maalin socday ee xalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada London.
Dowladda Federaalka ayaa shirkii London la tagtay qorshayaal badan oo ay ka mid ahaayeen wax ka qabashada Amniga, la dagaalanka Shabaab, sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta dhanka Hubka ah.
Shirka ayaa xalay la soo gaba gabeeyay waxaana laga soo saaray War murtiyeed, kaasi oo inta badan wadamadii ka qeyb galay ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero dhan walba.
Siyaasi Cali Tooxow oo ka mid ah xubnaha Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iminka soo bandhigtay qorshe siyaasadeed, rajada la qabana ay wanaagsan tahay.



