Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay arrimo la xiriira Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku Ganacsada hareeraha wadooyinka.
Waxa uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in uu ku howlan yahay sidii uu u dhisi lahaa Gobolka Banaadir, gaar ahaan caasimada Soomaaliya, taas bedelkeedana aysan u dulqaadan doonin in Ganacsatada ay wadooyinka ku soo shubaan Qashinka.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay sharciga horgeyn doonaan Ganacsatada nadaafad darada ku haya wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay Maamulka Gobolka Banaadir uu waday howlo dib loogu dayactirayo wadooyinka Magaalada Muqdisho.


