Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in gacanta uu ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah oo maalin ka hor qof rayid ah dil ugu geystay Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Qabashada ninkan dilka geystay ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Galmudug howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo qabteen.
Ruuxa la dilay ayaa u shaqeynayey Hay’adda ICRC sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Booliska degmada Cadaado Cumar Macallin Cali oo ka warbixinayey howlgalka ay ninkaasi ku soo qabteen.
Waxa uu sheegay in ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Aadan ay ku hayaan saldhigga Degmada Cadaado, kadib markii dabagal ay ku sameeyeen ciidamada Booliiska.


