DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya”Amniga garoonka diyaaradaha waa mid wanaagsan”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha  maagalada muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo, xilli dhawaan uu qarax ka dhex dhacay mid ka mid ah diyaaradaha Daallo ay leedahay iyadoona ka kacday garoonka diyaradaha ee magaalada muqdisho.

Wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa maanta tagay garoonka diyaaradaha iyagoo u kuur galaya xaalada amaan ee garoonka.

Taliyaha hogaanka jinsiyadaha iyo socdaalka dowladda Soomaaliya Gen: C/laahi Gaafow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka waramay amaanka garoonka.

Gaba gabadiina waxaa warbaahinta la hadlay wasiirada maanta garoonka tagay ayaa waxa ay sheegeen in amaanka garoonka diyaaradaha uu yahay mid aad u wanaagsan.