DHAGEYSO: maamulka gobolka Bay oo ka warbixiyay amaanka Beydhabo

C/rashiid C/laahi Maxamed Gudoomiyaha gobolka Bay maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay amaanka magaalada Beydhabo.

Waxaana uu sheegay in amaanka hada uu yahay mid la isku haleyn karo oo dagan, isagoo dhanka kalana sheegay in magaalada amnigeeda ay gacanta ku hayaan ciidmada booliska, Nabad sugidda iyo kuwa daraawiishta maamulka koonfur galbeed.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa waxa uu sheegay in laamaha amaanka iyo shacabka magaalada Beydhabo ay ka wada dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Waxaana uu amaan u jeediyay shacabka reer Beydhabo, islamarkaan ka codsaday in ay sii wadaan wada shaqeynta.