Halgan-RisaalaFM- Taliyaha Guutada 10-aad ee Militariga Soomaaliya COL. Tabane Axmed Gurey ayaa warbaahinta u soo badnhigay khasaarihii Al-shabaab ka soo gaaray dagaalkii ay ku qaadeen deegaanka Halgan oo ay xero ciidan ku lahaayeen ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.
Taliyaha ayaa sheegay in 140 Askari looga dilay dagaalka sidoo kalena looga qabsaday 100 Qori oo AK47 ah iyo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Waxa uu sheegay Taliyaha in dagaalka Al-shaabab ay ku soo qaadeen Halgan khasaare xoogan lagu gaarsiiyay.
Taliyaha Guutada 10-aad ee Militariga Soomaaliya COL. Tabane Axmed Gurey ayaa sheegay in dagaalka Halgan Al-shabaab looga dilay Saraakiil Ajanabi ah.
Shalay ayay aheyd markii saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanka Halgan, waxaana ay sheegeen in ciidanka AMISOM ay ka feejignaayeen weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.


