DHAGEYSO: Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Goalaha shacabka.

Ajandaha kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay wax ka bedelida Dastuurka iyo u codeynta wax ka bedelida qodobka 10-aad ee mudada xil heynta federaalka xuduudaha.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala usheegay in kulanka Baarlamaanka Soomaaliya maanta xoogga lagu saari doono wax ka bedelida Dastuurka.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka si loo meel mariyo wax ka bedelka Dastuurka.