Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay, in ay billaabanayso diiwaangalinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga sida ay halkaas uga soo shaqeystaan.
Cismaan Libaax Ibraahim waa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, xili uu maanta warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa uu sheegay dhawaan la bilaabayo diiwaangalinta 2,000 oo shaqaale Soomaali ah oo loo qaadayo dalka Sucuudi Carabiya.
Dhawaan ayaa waxaa soo baxayey warka uu maanta shaaciyey wasiirka ku xigeenka wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya,lakiin talaabadaan ayaa waxaa horay u dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed oo ku tilmaamay tilaabo aan haboonayn


