Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta la soo gaba gabeynayaa diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Tirada Guud ee Maalmihii la soo dhaafay isdiiwaan geliyay ayaa waxa ay gaarayaan 15 Musharax, Waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta gabi ahaanba la soo gaba gabeeyo diiwaan gelinta Musharaxiinta doonaya in ay ka qeyb galaan Tartanka Doorashada Madaxweynaha.
Musharax walbo ayaa waxaa diiwaan gelin ahaan looga qaaday lacag gaareysa 30,000 oo Dollar waxaa lacagta iminka ay hayaan Guddiga Doorashada ay gaareysaa 450,000 oo Dollar waxaana lacagtaasi 50% loogu gurmanayaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee gobolada Dalka ku nool.
Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta la soo gaba gabeynayo islamarkaana Musharaxiinta dhiman looga baahan yahay in ay soo buuxiyaan shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta.
Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay qaabka ay isku diiwaan geliyeen 15 Musharax iyo inta dhiman waxa laga doonayo.
8 Bisha soo socota ee Fabraayo ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hada socda diyaar garow ku aadan Doorashada.


