Baydhabo-RisaalaFM- Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay warbixin ka dhageysteen Guddiga Gurmadka Abaaraha oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku tagay Tuulooyin, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.
Guddigan ayaa waxa ay u kuur galayeen xaaladaha Abaareed ee ka jira Degaanada Koonfur Galbeed, si loo ogaado baaxada ay la egtahay Abaarta iyo qaabka gar gaar loo gaarsiin karo dadkaasi.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo wax looga qabanayo Abaaraha ka jira Degaanada Koonfur Galbeed, maadaama Gobolada loo dirayo dad soo indha indheeya.
Abaaraha ka jira Dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u daran, waxaana Maamulada Hoose iyo Dowladda Federaalka ay wadaan dadaalo dadkan lagu badbaadinayo.


