DHAGEYSO: Dhibaato ka taagan Caabudwaaq

Sida uu kusoo waramaayo Wariyaha Risaala ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaa degmadaasi ka taagan dhibaato weyn oo heysata dadkii kusoo ceyrtoobay Abaartii ku dhufatay Soomaaliya.

Kudhawaad 500 oo qoys oo kasoo barakacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo sidoo kale degaanada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hadda ku sugan Magaalada Caabudwaaq.

Madaxa Arimaha Bulshada degmada Caabudwaaq Muuse Axmed Maxamed ayaa Risaala u sheegay in dadkaasi ay heysato Cunto la,aan iyo hoy la’aan.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in dadkaasi la caawiyo.