Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo shalay uu si toos ah ufurmay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa galabta wada bartamay Degmooyinka Dharkiinley iyo Warta-nabadda oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir, waxaana tartanka maalgalineysa oo abaalmarina qaali ah ku bixineysa shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.
Degmooyinka Dharkiinley iyo Warta-nabadda ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.
Degmada Dharkiinley ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay oo 3-dii dhibcood ee tartanka ay ka qaadatay degmada Warta-nabadda.
Degmada Dharkiinley ayaa waxa ay keensatay galabta dhibco gaaraya 11 dhibcood halka warta-nabadda ay la timid 4 dhibcood inkastoo weli degmada Warta-nabadda ay heysato fursado kale.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Gudiga Tartan Aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Dharkiinley iyo Warta-nabadda.
Degmooyinka Awdhiigle, Afgooye, Dharkiinley iyo Warta-nabadda ayaa waxa ay kuwada jiraan Groupka A, waxaana shalay ku tartamay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala Awdhiigle iyo Afgooye iyadoo guushii ugu horeysay ee Tartanka ay gaartay Awdhiigle kadib markii ay ka adkaatay degmada Afgooye.
Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 3 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona degmooyinka Deyniile iyo Howlwadaag oo kuwada jira Group B.


