DHAGEYSO: Dhalinyarada oo loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General  Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa dhalinyarada gobolka Banaadir ugu baaqay iney ka shaqeeyaan suggida amniga.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga ee dowladda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General  Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu Magaalada Muqdisho ugu qeyb galay Kulan loogu hadlaayay isdhax galka bulshada iyo sida ay u wada shaqeyn karaan Hay’adaha ammaanka iyo shacabka.