DHAGEYSO: Dhaliilo laga keenay magacaabista Golaha Wasiirada ee Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Iyadoo shalay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu magacaabay Gollahiisa Wasiirada, waxaana soo baxaya dhaliilo ku aadan magacaabista Gollaha Wasirada maamulka Jubbaland.

Golaha Wasiirada ee lagu dhawaaqay waxaa ka dhex muuqda oo liiska ku jira Wasiiro dib loo soo celiyay oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale Gollaha Wasiirada ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin caan ka ah deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Diiriye Xirsi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aan loo dhameyn magacaabistan ayna si cad uga soo horjeedaan hadii ay yihiin siyaasiyiinta Jubbaland.