Beledxaawo-RisaalaFM- Cudur looga shakisan yahay in uu yahay Kaduudiye ayaa lagu soo warramayaa in uu faro ba’an ku hayo dadka ku nool degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.
Howlwadeenada caafimaadka ee degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in xanuunkaasi uu soo ritay dad aad u badan.
Ugu yaraan Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay u geeriyoodeen cudurkaasi, oo in muddo la xauunsanayay.
Waxaa wali jira dad aad u fara badan oo la jiifa cudurkaasi, iyadoo dadkaasi loo sameynayo gar gaar caafimaad.
Dr. C/laahi Yuusuf Faarax oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo dadka la xunuunsanaya cudurka Kaduudiyaha.
Maamulka Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay hey’adaha gar gaarka iyo dowladda Soomaliya ka dalbadeen in wax loo qabto dadka xanuunka uu soo ritay ee yaalla isbtaalka magaalada Beled-xaawo.


