Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay wateen gaari dameer ay kusoo dhaceen Raashin.
Maamulka degmada Xamar weyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gaari Dameerka ay wateen labadaasi nin ay qabteen saaka aroortii , waxaana gaari dameerkaasi saarnaa Bagaash iyo sidoo kale Raashin.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Saciid Cabduqaadir Saciid ayaa sheegay in nimankaasi laga soo qabtay Xaafada Fiirooma ee degmada Xamarweyne.
Waxaa uu sheegay in ay soo jabsadeen dukaan,islamarkaana ay gacanta ku hayaan maamulka Alaabtii ay wateen nimankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in cidii ay ka maqan tahay alaabtaasi looga baahan in ay lasoo xariiraan maamulka degmada.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaayay kooxo hubeysan oo dhibaato u geysanaya goobaha ganacsiga.


