Naadiga Liverpool ayaa la soo warinayaa inay wajaheyso suurta galnimada ah inay weyso inta ka harsan sanadkaan 2016 laacibkooda kubad sameeyaha ah Philippe Coutinho.
Xidigaan 24-sano jirka ah ayaa garoonka laga saaray qeybta koowaad ciyaartii naadigiisa Liverpool 2-0 ay kaga adkaatay Sunderland Sabtidii waxaana la sheegay inuu xidigaan ka jabay Anqowga.
Sida ay warineyso Jariirada Liverpool Echo, Liverpool ayaa kalsooni ka muujineysa in Coutinho uusan dhaawaciisa darneyn laakiin ay waxyeelo soo gaartay waxaana suura gal laacibkii hore ee Inter Milan inuu garoomada ka maqnaado ilaa iyo sanadka cusub.
War la mid ah kaas oo ku saabsan Coutinho, ayaa lagu sheegay in qaliin uu xidigaan mari doono galabta Jawaabta Scan-ka la saaro ayaa Liverpool u kala cadeynaya waqtiga xidigaan uu soo laaban doono.
Wiilkaan Brazil ayaa dhaliyay 5-gool isagoona caawiyay shan kale 13-kulan uu ka soo muuqday xilli ciyaareedkaan.


