Digniin Adag oo loo diray Muslimiinta kunool Mareykanka

Urur ay leeyihiin muslimiinta Maraykanka ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ahoo maan gaaban.

Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.

Ururka oo la yidhaa golaha xiriirka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baaro waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.

Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.