DHAGEYSO: Deeq Dawo ah oo la gaarsiiyay Galmudug

Cadaado-RisaalaFM- Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Qaran ayaa maanta Diyaarad siday Dhaqaatiir iyo Dawo waxa ay geeyeen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Daawada Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Qaran ee dalka uu geeyay Magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay 15-tan.

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Galmudug C/ladhiif C/laahi Warsame oo isugu ka tirsan Guddiga Abaaraha heer Qaran ayaa waxa uu sheegay Deeqdan in loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, ee ku sugan Degaanada Galmudug.

Drs. Hodan C/laahi Cali oo iyadu ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegtay in ay gar gaar deg deg ah ka sameynayaan Degaanada Xaraale, Caabud-waaq, Gadoon iyo kuwo kale, kuwaasi oo laga soo sheegay xaalado adag.