Arsene Wenger Oo Qarka U Fuulay Inuu Lasoo Saxiixdo Kylian Mbappe

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu qarka u fuulay saxiixa da’yarka As Monaco & qaranka France Kylian Mbappe sanadkii hore.

18-jirkaan heerka caalami ee ay hadda ku fooraraan indhaha caalamka ayaa xili ciyaareedkaan kasoo muuqday safka hore kooxda Monaco, 24-gool ayuu dhaliyay 39-kulan oo uu xili ciyaareedkaan kasoo muuqday sidoo kalana wuxuu ku guuleystay in looga yeero qaranka France.

Waxey aheyd March 2016 markii la sheegay in wiilka lala barbardhigo Thierry Henry uu qarka u fuulay inuu usoo wareego Arsenal, balse ma dhicin.

“Ciyaariyahanka ayaa kuu sheegi kara inaan gurigiisa tagay sanadkii hore iskuna dayay inaan halkaan keeno” Ayuu yiri tababare Wenger oo la hadlayaya BeIN Sport.

“Sababtoo ah wuxuu ku jiray dhamaadka qandaraaskiisa, balse Monaco ayaa ilaashatay, go’aankana wuxuu ahaa mid aad u dagan”

“Balse si wanaagsan ayaan u fahmi karaa sababtoo ah wuxuu wax ku bartay halkaas, ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday inuu halkaas joogo”

Isbuucyadii lasoo dhaafay ayaa lasoo jeediyay in Arsenal aysan laheyn awood lacageed oo ay kula soo saxiixato Mbappe, balse wuu diiday in meesha laga saaro suuragalnimada.