DHAGEYSO: Cosoble oo ku laabtay Jowhar “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaaydadii la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali C/laahi Xuseen ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo labadiisa ku xigeen iyo madax ka tirsan labada Gole ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kaasi oo shalay lagu doortay Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay Maamulka Hirshabeelle in uusan ka qeyb galeyn shirka dhowaan ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Hirshabeelle 1 Hirshabeelle 2 Hirshabeelle 3 Hirshabeelle 4 Hirshabeelle 5