Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo adag ka sameynayeen deegaanada hoosyimaada degmada Bardaale.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Bay Cali Cadow ayaa waxa uu ka warbixiyay howlagallada ay sameeyeen.
Waxaana uu sheegay in amaanka guud ee degmada Bardaale uu haatan yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.
Howlgalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed hub loogu qeybiyay degmada Bardaale ee gobolka Bay.


