DHAGEYSO: Dagaal mar kale dib uga qarxay deegaanka Qeydara

Qeydara-RisaalaFM- Dagaalkan udhaxeeya Labada Maleeshiyo beelood ayaa saakay waxa uu dib kaga qarxay deegaanka la yiraahdo Qeydara ee ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan, waxaana dagaalka uu daba socday xalay ilaa shalay ka dhacayay deegaanka Qeydara.

Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku geeryootey halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kor udhaafaya 20qof.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaala magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

Dadka ayaa oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka la isku adeegsanayo Rasaas xoogan oo laga maqlayo deegaanka Qeydara.

Maamulka Galmudug ayaa ciidamo udiray goobaha lagu dagaalamayo si ay ukala dhex galaan Labada Maleeshiyo ee halkaasi ku dagaalamaya shalay ilaa maanta.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladan.