DHAGEYSO: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Xawaadley

Xawaadley-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad hubeysan uu ku dhexmaray deegaanka Xawaadley.

Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 4 Qof halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, waxaana dadka qaar ay ka weli ka cabsi qabaan in dagaal kale uu dib uqarxo.

Gudoomiyaha deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdule Macalin oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka warbixiyay dagaalka iyo khasaaraha uu geystay.