Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad loogu dabal degayay Maalinta Aragga Aduunka iyo Qaadashada Usha cad.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Iskuulka in dhoolayaasha Al-nuur, Saraakiil ka socotay Ilaalada Wadooyinka, Arday, iyo xubno kale.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Maxamed Axmed maxamuud oo ah Madaxa Arrimaha Bulshada ee ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ee SAB, waxa uu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in Usha Cad ay u sameyso xeer lagu ilaaliyo.
Dhanka kale Gudoomiyaha ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ahna Gudoomiye ku xigeenka Iskuulka Indhoolayaasha ee Al-nuur Ibraahim C/laahi Maxamuud ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalka keenaan Qalabka baahiyaha gaarka ah ee ay isticmaalaan dadka naafadada ah.


