Dad ka carooday Shil gaari oo ciidamada AMISOM ay u geysteen gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa maanta Is hor istaag ku sameeyay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka AMISOM ayaa gaari muwaadin Soomaaliyeed uu leeyahay waxa ay ku jiireen Nawaaxiga Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya, oo ku dhaw Isgoyska Banaadir, waxaana ay uga soo dhaqaaqeen halkaasi.
Dad ka carooday falkaasi ayaa ciidamada AMISOM waxa ku hor istaageen Isgoyska Soobe, iyagoo diiday ciidanka AMISOM inay halkaasi maraan ilaa laga xaliyo Shilka ay geysteen.
Qof goobjooge ah oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sharaxaya sida ay wax u dhaceen.


