Madaxweynaha Puntland oo kulan la leh golaha deegaanka Gaalkacyo

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula leh xarunta madaxtooyada Gaalkacyo  golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyanaha maamulka Puntland ayaa la sheegay in golaha deegaanka Gaalkacyo uu kala hadlaayo mashaariic laga hirgalinaayo magaalada Gaalkacyo sidoo kale sidii loo dar dar gelin lahaa amniga magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in uu golaha deegaanka kala hadli doono arimo ay ka mid yihiin sidii loo sixi lahaa maamulka gobolka Mudug oo isbedal lagu sameeyay.