Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay faarujiyeen degaanka Moqokori ee gobolkaasi.
Ciidanka dowladda ayaa shalay la wareegay degaanka Moqokori oo ay Al-Shabaab gacanta ku haayeen.
Gudoomiyaha degaanka Moqokori ee Xasan Barre Makraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen degaanka Moqokori.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay rajaynayaan in ay dib ugu laabtaan degaankaasi ,maalmaha soo socda.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la sheegaya in ay dib ula wareegeen degaanka Moqokori.


