Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ka hor yimid go’aankii Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ay ku kordhiyeen xubnaha Aqalka Sare.
Musharaxiinta waxa ay sheegeen in Hogaamiyeyaasha Madasha ay hareermareen dastuurka dalka, islamarkaana ay jabiyeen.
Dastuurka ayay sheegeen in ay ku qoran tahay in xildhibaanada Aqalka Sare ay noqdaan 54 xubnood.
Qaramada Midoobey ayay ugu baaqeen in ay soo farageliso arinta Soomaaliya.




