Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday Mahad Cabdale Cawad ayaa sheegay in shaqo badan ay u taallo xildhibaanada cusub ee shalay lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in shaqadii hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ay dhaamaatay ,islamarkaana xildhibaanada cusub ay la wareegeen talada dalka .
Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay in xildhibaanada cusub laga doonayo in ay dib ugu laabtaan qodobo badan oo ku jira dastuurka oo ay jabiyeen hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.
Sidoo kale waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in ay dib u eegaan shuruudaha musharaxiinta u taagan xilka Madaxtimada Soomaaliya.
Madasha ayaa horay u sheegtay in musharax walba looga baahan yahay in uu haysto codadka ugu yaraan 20 Xildhibaan.


