DHAGEYSO: Ciidanka dowladda oo dib u la wareegay deegaanka Goof-gaduud

Ciidanka dowladda  Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ayaa dib ula wareegay deegaanka Goof-gaduud oo ay xalay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan ururka Shabaab.

Gudoomiyaha deegaanka Koofur Goof-gaduud oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliy ay maanta dib ula wareegeen deegaanka Goof- gaduud ee gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay si xoog ah ula wareegeen deegaanka Goof-gaduud ismarkaana uu dagaal dhex maray iyaga iyo sidoo kale Al-Shabaab.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay iska baxay deegaanka Goof-gaduud ka dibna waxa gacanta ku dhigay dagaal yahano ka tirsan Shabaab.