Sh/Dhexe-RisaalaFM- Iyadoo shalay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe la geeyay ciidamo Boolis ah, kuwaas oo sugaya amniga inta uu socdo shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa qaabka amniga loo sugayo ka hadlay Taliyaha Qeybta Booliska gobolka shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle carfaaye.
Wuxuu sheegay in ciidamadan ay si aad ah u sugi doonaan amniga guud ee magaalada Jowhar gaar ahaan goobta uu ka socdo shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle carfaaye ayaa sheegay in ciidamadan uu soo diray Taliyha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isagoo sidoo kalena sheegay in ciidamo kale oo Boolis ah la keeni doono magaalada Jowhar oo ay taalo shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayday in ay maamul usameyso Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe balse dowladda ilaa iyo hada wax muuqda kama aysan soo saarin shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo sanadkan la filayo in dalka ay ka dhacdo Doorasho.


