Soomaaliland-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in shacabka deegaanada Soomaaliland ay diyaar u yihiin in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.
Waxa uu sheegay in Ra’yi uruurin ay sameeyeen Hay’adaha Soomaaliland lagu ogaaday in shacabka ay diyaar u yihiin in ay ka go’aan Soomaaliya arintaasi ay dhowaan dar dar gelin doonaan.
Waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay tixgeliso Aragtida shacabka Soomaaliland iyo baaqa Madaxda Soomaaliland.
Ilaa iyo hada lama oga Beesha Caalamka waxa ay ka dhihi doonto codsiga ay u soo gudbiyeen Soomaaliland ee ku aadan in Soomaaliland ay ka Go’do Soomaaliya inteeda kale, waxaana Madaxda Soomaaliland ay weli ku adkeysanayaan in ay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya.


