DHAGEYSO: Ciidamda dowladda oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay sameeyay

Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal ay  Ciidamada dowladda  Soomaaliya Xalay ay ka sameyeen degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir.

Afhayeenka wasaarada aminga dowladda soomaaliya C/kaamil Shukri Macaalin oo la hadlay  Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay howlgal  ka sameeyay degmooyin ka mid ah gobalka Banaadir .

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in laamaha amaanka ee Dowlada ay ka hortagayaan dilalka qorsheysan ee maalmihii dambe ku soo badanaayay caasimada muqdisho.