Dhageyso:- Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay Ciidciidka degmada Mahadaay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ku guuleysteen in Ururka Al–Shabaab ay ka saaraan deegaanka Ciid ciidka oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Taliyaha Ururka 12aad ee Guutada 4aad ee qeybta 27aad ee xooga dalka Soomaaliyeed korneyl Cali xuubeey ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugtu dhigeen dhulka howdka ah ee Ciidciidka, halkaas oo ay ku sugnaayeen todobaadyadii la soo dhaafay Al-Shabaab.

Taliyaha oo Wareysi siiyay Warbaahinta Risaala wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen Amniga Goobaha ay kala awareegeen Al-Shabaab, hadana kusii siqayaan halka loo yaqaano Dhamasha Shabeellow oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha