Wararka inaga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada dowladda federaalka Soomaaliya saakay aroortii degmadaasi ay ku toogteen ruux la sheegay in uu sitay waxyaabaha qarxa uuna qorsheynayay in ciidanka dowladda uu ku weeraro.
Maamulka degmada ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay arintan waxaana gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Bare Jeex uu sheegay in ciidmada ay toogteen ninkaasi oo katirsanaa ururka Al-shabaab sidoo kalena ka mid ahaa 7 ruux oo si weyn looga yaqaanay degmada Baraawe oo dadka ku dhibaateyn jiray xilligii ay ku sugnaayeen ururka Al-shabaab waa sida uu sheegay.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku sugan degmada Baraawe ayaa ku dadaalaya xaqiijinta amaanka oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga oo lagu beegsado ciidanka iyo xubnaha maamulka ee degmadaasi ku sugan.


