Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo ay galabta ku tartameen Degmooyinka C/casiis iy Hodan ayaa waxaa guul gaartay degmada C/casiis.
Degmada Hodan ayaa waxa ay Labadii kulan oo horey ay u soo tartantay ay aheyd mid tartan wanaagsan soo bandhigtay inkastoo galabta gabi ahaan ay isaga hartay tartanka.
Degmooyinka C/casiis iyo Hodan ayaa galabta tartamay kulankooda 3-aad ee Tartamka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Degmada C/casiis ayaa galabta waxa ay ka adkaatay degmada Hodan kadib markii degmada C/casiis ay la timid dhibco gaaraya 13 halka degmada Hodan dhankeeda ay keensatay 5 dhibcood, sidaasina waxaa galabta Tartanka uga hartay degmada Hodan.
Wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa horey ugu gudbay Degmooyinka, Awdheegle, Dharkeynley, Howlwadaag, Waaberi iyo Wadajir, waxaana galabta sidoo kale u soo gudubtay degmada C/casiis oo ka adkaatay degmada Hodan.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degooyinka Idaacadda Risaala.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay degmooyinka C/casiis iyo Hodan.
Sikastaba Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan sidoo kalena ay soo dhowdahay abaalmarintii ay heli laheyd degmadii ku guuleysata Tartankan.
Maalinta beri ah hadii uu Alle idmo oo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay noqon doonto 24 ayaa waxaa jiri doona labo kulan, kulanka hore ayaa waxa uu dhexmari doona degmooyinka kala ah Dharkeynley iyo Howlwadaag halka sidoo kalena kulanka xiga uu dhexmari doono Wadajir iyo Awdheegle.


