Carruur ka soo baxsatay Ururka Al Shabaab ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ay ka soo kaxeeyeen duleedka Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Carruurtaan oo tiradooda ay gaareyso laba, ayaa waxa ay sheegeen inay fursad u heleen inay soo baxsadaan, kadib markii muddooyinkii dambe katiinad lugta ay uga xirnayd oo si aad ah loo illaalinaayay.
Waxa ay sheegeen carruurtaan Al Shabaab muddo lix bil ah inay ku hayeen xero ciidan oo ku taallo nawaaxiga Degmada Buulo burde, islamarkaana la baraayay nashiidooyin iyo kitaabo gaar ah oo Shabaab ay carruurta u aqriyaan.
Labada Caruurta ah ee soo baxsatay, ayaa waxa ay sheegeen fursad inay heleen inay soo fakadaan, xilli katiinad aysan ku xirnayn, waxayna soo gaareen duleedka Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Degmada Buulo burde Cabdi Daahir Guure, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in carruurtaan ay ka soo baxsadaan gacanta Al Shabaab, wuxuuna sheegay inay jiraan carruur kale oo wali ku jira gacanta Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku Aadan caruurtaan lagu eedeeyay in ay heysteen.



