Kulan ay maanta isugu yimaadeen Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada Colaaduhu ka jiraan ee Shabeelaha dhexe ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Odayaasha iyo waxgaradkan ayaa sheegay in Ciidamo laga magacbaxay Macawiisley oo ay sheegeen in markii hore loo diyaariyay in ay la dagaalamaan al Shabab, ay dhibaato xooggan ku hayaan, kuwaa oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Waxa ay ku eedeeyeen Ciidamada AMISOM qeybta Hiiran in ay iyagu ay siiyaan Hubka, iyagoona ugu baaqay in ay colaadaan si deg deg ah loo qaboojiyo.
Halkaan hoose ka dhageyso warbixin xog badan xambaarsan oo uu Wariyaha Risaala Axmed Tifow Xasan inoo diyaariyay warkaani.



